Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Qilaaf Soo Kala Dhex Galay Maamulka Gobolka Banaadir
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
May 21 2008
Qilaaf Soo Kala Dhex Galay Maamulka Gobolka Banaadir
Written by Ali Moallim   
Wednesday, 21 May 2008
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Qilaaf Xoogan ayaa waxaa uu soo kala dhex galay Masuuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Banaadir, kasi oo ku saleeysan amaanka Magaalada Muqdisho.

Qilaafkani oo ahaa mid dhawaanahanba soo jiitamayay una dhexeeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo ku xigeenadiisa iyo Masuuliyiin ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu soo shaac baxay, kadib markii xalay ay kulan la qaateen qaar ka mid ah Masuuliyiintaasi Madaxweeynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaasi oo ay kala hadleen arimaha Gobolka Banaadir iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalada amaanka Gobolka.

Mid ka mid ah Masuuliyiinta ugu sareeysa Maamulka Gobolka Banadir oo xalay ka qeeyb galay kulankasi oo ka gaabsaday magaciisa in uu sheego xaalad laxariirta amnigiisa ayaa waxaa uu sheegay in kulanaasi uu ku saleeysnaa sidii wax looga qaban lahaa xaalada amaan ee Gobolka Banaadir oo ay sheegeen in uu dhabar jabin ku wado duqa Magaalada Muqdisho Max’ed Dheere.

Sidoo kale waxaa uu Masuulkasi sheegay in Madaxweeynaha uu u balan qaaday in wax laga qaban doono cabashooyinkasi ay usoo gubiyeen, isla markaana nidaam cusub loo sameyn doono Gobolka Banaadir.


Masuuliyiintii xalay kulankii ka dhacay Madaxatooyada la qaatay Madaxweeyne cabdilaahi Yuusuf ayaa waxaa ka mid ahaa 5 Xubnood oo ka mid ah kuxigeenada Maamulka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,kuwaasoo kalahaa godoomiye kuxigeenka Gobolka dhinaca arimaha Bulshada.Nabadgalyada,Maaliyada,Howlaha Guud,dib u dhiska iyo dib u heshiisinta.

Waxaana kamid ahaa xubnaha Madaxweynaha lakumey ee katirsan kuxigeenada Gobolka banaadir Max’ed Cismaan Cali Dhagax Tuur, Cabdi Fitaax Ibraahin Cumar Sabriye Shaaweeye,Max’ed Yarow,Cumar Aweeys Nuur Cumar Dacas iyo Cabdi Xaashi Liibaan iyo Gudoomiyayaasha 13 Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir.

Gudoomiyayaasha Degmooyinka kulankasi ka qeeyb galay sida uu shegay Masuulkasi u waramayay saxaafada ayaa kala ah Waaberi,Xamar Jab Jab,Xamar Weeyne,Hawlwadaag,Boondheere,Hodan,Wadajir,Dharkeenley,Yaaqshiid,Shibis,Cabdi Casiis,Huriwaa iyo Daayniile, iyo labo Agaasime Guud oo dhanka Maaliyada iyo Nabdgayada ah.

Dhamaan Masuuliyiintaasi ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Gudoomiyaha Gobolka Baanadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeed Maxmed Dheere in uu ka danbeeyo dhibaatada ka taagan Gobolka Banaadir iyo amaan darida ka taagan Magaalada Muqdisho, isla markaan uu wax ka qaban waayay uuna xagal daacinaayo Maamulka Gobolka.

Weli wax war ah kama soo bixin Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Max’ed Dheere oo ku aadan eedeyntaasi ka soo yeertay kuxigeenadiisa iyo Masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood, xili Max’ed Dheere uu in badan horay u sheegay in uu wax ka qabtay Maamulkiisa arimaha Amaanka Gobolka Banaadir.

Arimahani ayaa waxaa ay ku soo beegmayaa xili qaar badan oo ka mid ahaa Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ladiley,halka qaar kale oo Maamulkasi ka tirsanaana ay isaga tageen xilaalkii ay hayeen, kadib markii ay cabsi la soo deristay.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >